Wednesday, January 4, 2017

Amin Camir, Khumeyniga Soomaaliya

!

Dalka Iran waxaa uu ahaan jiray wadan furfuran (dabacsan) xiriir wanaagsanna la lahaan jiray dalalka kale ee dunida intooda badan xiligii Maxamed Ridaa Bahlavi.

Xiligii Bahlavi, Iran waxey gaartay heerkii ugu sareeyey xagga aqoonta, oo boqolaal reer Iran ah baa sannad walba dibadaha wax barasho loogu qaadi jiray. Waana xiliga seynis-yahanada reer Iran sameysmeen ee maanta jira intooda badan. Tirada shaqo la'aanta Iran waxey gaadhay xiligaa heerkii ugu hooseyey, dhaqaaluhuna kor u kacay.

Dedaalkii Bahlavi waxaa subax kaliya cirka u laalay Rohullah Khumaine oo ahaa wadaad diimeed, oo markaa soo caan baxayey, kadib khudbad uu subax qura u jeediyey dadkii reer Iran, khudbadaa soo ku soo biyo shubaneysay in Bahlavi uu diintoodii ka iibshay reer galbeedka. Dad ka badan malaayiin ayaa subax qura ku yaacay magaalada Tehran iyagoo mudaaharaadaya. Taa soo markii danbe keentay in Bahlavi uu dhaco.

Iran, Bahlavi kadib waxey gashay go'doon siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid wax barasho mudo ka badan 20 sano,

Halka aan doonayey inaan Amin Camir iyo Khumaine isaga ekeysiiyo waa dimoqraadiyada Iran iyo dowrka uu Ayatollah Khumaine-niga maanta jooga uu ku leeyahay, oo ah sidan.

Demoqradiyada Iran waa mid gacanta ugu jidha Ayatollah Khumaine, dadka reer Iran waxey kala doortaan oo qura dhowr qof oo uu Khumaine soo ansixiyey, waxaana loo yaqaan (Iranian-style democracy) waana nooca dimoqraadiyadeed ee ay diideen dadka reer Hong Kong kadib faragelinta China.
Haddiise uu soo dhex galo murashaxiinta uu Khumaine ansixiyey nin kaloo dool ah, waxaa farta ku fiiqa Khumaine qudhiisa, sidii ku dhacday Cali Akbar Rafsanjani oo mar isu soo taagay doorashada Madaxweynaha. Khumaine khudbo jumce oo aad loo dhageysto ayuu ku canbaareyey Rafsanjani oo ku sheegay inuu yahay Bahlavi-gii 2aad. Taasina waxey gabagabeysay murashaxnimadii Rafsanjani.

F.G. Rafsanjani caradii waagaa ka raacday wuxuu halgan u galay inuu galo gudi 7 qof ah oo iyagu soo doorta hogaamiyaha ugu sarreeya ee ruuxiga ah ee Iran, si uu uga hortago in uu yimaado hoogaamiye ruuxeed oo nooca Ayatollah oo kale ah, wuuna soo soo galay!

Amin Caamir waa farshaxaniiste leh malaayiin la dhacsan farshaxankiisa gaar ahaan kuwiisa xagga siyaasadda.

Amin fikirkiisa gaarka ayaa si weyn farshaxankiisa looga dheehdaa kaa soo hadba uu shacabka ugu tilmaamo murashaxa uusan dooneyn oo uu ku lamaansho Ethiopia iyo midka uu doonayo oo uu wadani ka dhigo.

Xiligii madaxweyne Cabdulahi, Waxaan kala garan kari waayi jiray Amiin Caamir iyo maxaakimtii. Tan maantana adaan kuu deyn.

Maxey kula tahay

No comments: