Thursday, January 19, 2017

Kala aragti duwanaanta, ma ismaandhaaf, mise khilaaf


Aadanahu waa noolaha kaliya ee hadla, fakara, hadana furfuran (dabacsan) oo is dhex gala¹. Hadalka waa xiriir xirfadeedka sababy in qofku fakaro² waana  wax yaabaha keenay in aadanuhu ka duwanaado noolaha kale.

Hadaba in la hadlo waxey keentay in la fakaro, in la fakarana waxey keentay in la kala duwanaado xagga fahamka wixii laga fakarayey. Waxaa halkaa ka dhashay eray bixino qeexaya waxa dhacay, A- kala aragti, B- ismaandhaaf, C- khilaaf.

Eray bixinadani marka aan ka fiirsano macnahooda, waxaad moodaa in ay kala duwan yihiin xagga asluubka afsoomaaliga ama dhaqanka Soomaaliga. Erayga (kala aragti) wuxuu u dhadhamayaa sidii inuu yahay eray qeexaya |kala duwanaasho ra'yi oo ku dhisan asluub wanaagsan oo edeb leh,| halka erayga (ismaandhaaf) aad moodo sidii inuu qeexayo |iska hor imaansho fikir, oo wata fara taag taag ama rabshad,| erayga 3aad ee (khilaaf) waxaad isna moodaa sidii inuu ka turjumayo |aragti wax kala fogeyneysa isla markaana riman dhibaato soo socota|

haddii aad igu waafaqsan tahay in erayadani ay sidaa u dhadhamayaan, hadaba aan ogaano waxa keenay iney sidaa u muuqdaan. Marka la eego dhaqanka Soomaaliga halka uu ka soo bilaabmay, waxaan muran ka taagneyn inuu ahaa dhaqan kayimi intiisa badan nolosha miiga ee ku dhisan adadeeg iyo ilbaxnimo la'aan. Qaleef badan oo ka muuqda ayaa wuxuu dhaqankaasi keenay in haddiiba aan aragtida la isku raacin ay ka dhalato had iyo goor male aan wanaagsaneyn taa soo u badnaan karta mid rabshadeysan. Maadaama uu yahay dhaqan dhiirigeliya u dulqaadasho la'aanta aragtida kaa soo horjeeda, ayaa waxey sababtay in erayada ismaandhaaf iyo khilaaf u muuqdaan kuwo dhiilo xanbaarsan.

Laakiin erayadani maaha kuwo sida aan u fahamsan nahay ka turjumaya marka lagu eego luqadaha kale, wax walba waxa fool xumeeya ama qurxiya dhaxalka ilbaxnimo ee aad leedahay halka uu uu gaarsiisan yahay.

malaga yaabaa in erayadani ay isu badali karaan kuwo na tusa macnayaal qurux badan, haddii jawaabtu tahay haa, sidee bey inoo tusi karaan? inkastoo anan weli gaarin halkii aan u dan lahaa hadana su'aalahaasi iyo kuwo kaleba ka filo qeybta 2aad.

---------------------------------------------------------------------------------------------------
¹ xigasho aragtidii Aristotle
² xigasho aragtidii Abwaan Gaariye


No comments: