Monday, February 6, 2017

Dumarku Madaxweyne ma noqon karaan

Waxaa waayadan danbe aad loo hadal hayaa doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya lagu wado iney sanadka 2017-ka ka dhacdo. Waxaa sii sheegay iney sharaxan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, inkastoo dumarkii haatan kaba hareen.
Hadaba marka ay timaado murashixiinta dumarka ahi waxaa laga keenaa su'aal (Qof dumar ahi ma noqon kartaa Madaxweyne?) Jawaabta lamaba sii daahaane waxey yiraahdaan maya, oo waayo? Waxey uga jawaabaan Nabiga (SCW) ayaa yiri xadiiskan "لن يفلح قوم ولو امرهم امرأة" oo macnihiisu yahay sidan (ma liibaano qowm taladooda u dhiibtay haweenay,) xadiiskan waxaa kitaabkiisa ku warinaya Bukhaari¹, laakiin xadiiskan inuu sax yahay iyo inkale dood ayaa ka taagan. Waayo raga wariyey waxaa kamida ama ku jira nin danbi galay beenna lagu tuhmay xiligii Cumar Ibnu Khadaab (RC) loona ciqaabay oo lagu fuliyey (xad) garaacid ah². Tan kale shuruudii hubinta sax-nimada xadiiska ee bukhaari qudhiisu degsaday ayaa meesha ka baxday³
Xadiiska waxaa laga wariyey saxaabiga la yiraahdo ابوبكرة الثقفي الطائفي hadaba ابوبكرة الثقفي الطائفى waxaa uu sheegay inuu arkay saxaabiga la yiraahdo مغيرة ابن شعبة oo zineysanaya wuxuuna u sheegay Cumar Bin Khadaab oo ahaa amiirkii mu'miniita. Cumar waxaa uu weydiiyey ابوبكرة الثقفي الطائفى cida kale ee la aragtay arintaa, wuxuu yiri waxaa ila arkay
 نافع ابن الحارث iyo زيد ابن ابيه , شبيل ابن مبعد.
Dabeeta Cumar waxaa uu u yeeray 3dii nin ee kale iyo مغيرة oo ahaa ninkii la dacweynayey dhamaantoodna waa saxaabadii nabiga (SCW).
Cumar waxaa uu weydiiyey ابوبكرة الثقفي الطائفى maku markhaati kaceysaa inaad aragtay مغيرة oo zineysanaya? Wuxuu yiri haa indhaheygaan saaray.
Hadana Cumar wuxuu isla su'aashii weydiiyey نافع ابن الحارث isna wuxuu yiri haa waan ku arkay. Hadana Cumar isla su'aashii wuxuu weydiiyey شبيل ابن مبعد isna wuxuu yiri haa indhaheygaan saaray. Cumar ninkii 4 aad ee soo haray ee زيد ابن ابيه ayuu hadana weydiiyey isla su'aashii, saa زيد baa yiri maya anigu kuma aanan arag.
Cumar oo aad ugu farxay inuu مغيرة ابن الشعبة badbaaday baa yiri hadaba been baad مغيرة ka sheegteen (qadaf) wuxuuna amar ku bixiyey in la jeedalo 3da nin ee kale marka laga reebo زيد. Halkii baa lagu jeedalay 3dii nin oo uu ku jiro ابوبكرة الثقفي الطائفى oo ah saxaabiga xadiiska aan kor ku soo xusnay laga wariyey, Cumar Ibunu Khadaab (RC) ayaa gacantiisa ku jeedalay.
Waxaa kale oo laga dalbaday 3da nin in ay Rabi u towbad keenaan, waxaa ka towbad keenay beentii (qadafkii) نافع iyo شبيل laakiin ابوبكرة waa uu diiday. Sida uu buuggiisa uu ku sheegay Imaamu Shamsu Diin Adahabi ee  la yiraahdo سير اعلام النبلاء.³
Diidistii uu diiday ابوبكرة الثقفي الطائفى inuu towbad keeno waxey keentay in waa danbe la rumeysan waayo marqaatigiisa, halka labadii saxaabi ee kale la aqbali jiray marqaatigooda, waayo Alle waxaa uu ku leeyahay aayad qur'aan ah sidan (والذين يرمونَ الْمُحْصَنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَأْتُوا بِأَرْبَعَةِ شُهَدَاءَ فَاجْلِدُوهُمْ ثَمَانِينَ جَلْدَةً وَلَا تَقْبَلُوا لَهُمْ شَهَادَةً أَبَدًا وَأُولَئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (4) إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا مِنْ بَعْدِ ذَلِكَ وَأَصْلَحُوا [النور/4، 5) Oo macnaheedu yahay sidan (kuwa xumaanta ka sheegaya dadka wanaagsan, hadana aan la imaneyn 4 marqaatiyood ku dhufta 80 jeedal hana ka aqbalani marqaati danbe weligood, waayo kuwaasi waa faasiqiin. Marka laga reebo kuwa ka towbad keena xumaantaas oo hadana wanaag ku dedaala. Suratu Nuur aayadaha 4-5)
ابوبكرة الثقفي الطائفى wuxuu xadiiskan aan ka sheekeyneyno wariyey xiligii laga diiday in marqaatigiisa la rumeysto.
Xiliga uu xadiiskaan warinayana waxaa weeye xiligii Cali Bin Abii Daalib ay iska hor yimaadeen Mucaawiye oo ay xulufo ahaayeen Caa'isha xaaskii Nabiga (SCW) oo iyadu hor kaceysay qeybta Mucaawiye, waana maalinta loo yaqaan يوم الجمل maalintii Ratiga ama awrka (Geel) waxaa loogu magac daray ratigii ay hooyo Caa'isha (RC) ay saarneyd ayaantaa.
F. G. Xadiiskan cid kale oo Nabiga ka maqashay oo aan ابوبكرة aheyn lama hayo mana jirto. Axaadiista noocaas ah waxaa loo yaqaan xagga cilimiga xadiiska (Axaadiista Aaxaadka ah yacni qof qura sheegtay inuu nabiga ka maqlay oo dad kale oo xiligaa joogay oo la mid ahi aaney ka maqal) ama أحاديث الآحاد
Hadaba sideebaa Xadiiskaan loo rumeysan karaa marba haddii ninkii warinayey xataa marqaatigiisii saxaabadii iska diiday oo xataa Cumr (RC) ku yiri war towbad keen si marqaatigaaga danbe loo aqbalo.
dhamaan waxa hoos ku yaal waa references_ka aad u doonan kartid sheekada saxaabigan.
--------------------------------------------------------------------------------
¹Fatxul Baari Sharaxa Buuga Imaamu Bukhaari
²Fatxul Baari Sharaxa Buuga Buugga Imaamu Bukhaari 
سير اعلام النبلاء.³ Imaamu Shamsudiin Adahabi
⁴Bidaay Wa Nihaaya⇾ Ibnu Katheer

Sunday, February 5, 2017

Cabdi Ismaaciil Samatar waa nin Soomaalidu ay si weyn u wada yaqaan, waxaa uu si hufan ula hadlay labada aqal ee federalka ee Soomaaliya, bal ila daawo.


Thursday, February 2, 2017

Tuesday, January 31, 2017

Raza Aslan waxaa uu ka mid yahay dad yar oo si cilmiyeysan u difaaca Islaamka. Isagoo weliba ah nin Islaam ah

Professor Raza Asaln waxaa uu ka mid yahay dad yar oo si cilmiyeysan u difaaca Islaamka waana caalim xagga diimaha ah (Scholar of Religions) waxaa uu barre ka yahay jaamacadda California ama (University Of California) oo ku taal magaalada Riverside ee gobolka California. Dood adag oo dhex martay isaga iyo CNN-ka bal ila yara daawo. Inkastoo ay ahyed 2 sanno ka hor.


Raza Aslan Schooler of Religion and professor of University Of California in Riverside, California.



Raza Aslan waa bare wax ka dhiga Jaamacada la yiraahdo (Jaamacada California) oo iyadu ku taal maagalada Riverside ee gobolka California, (University Of California.) Mr Aslan waxaa uu yimi America isagoo 10 jir ah, sanadkii 1979-kii. Asalan waxa uu waagaa ka soo cararay wadaadkii afganbiga ku qabsaday Iran xiligaa. Raza Aslan waa American asalkiisu yahay Irani. waxaa uu ahaan jiray Muslim, waxaa uu qaatay Christianity-ga, hadana waxaa uu ku soo laabtay Islaamka oo hadda waa Muslim.

Waxaa uu qoray book la magac baxay Zealot: The Life and Times of Jesus of Nazareth. 

Mr Aslan waxaa wareysatay television-ka Fox wareysigaa oo ahaa xili hore hayeeshee xiise badnaa bal yara daawo.



SNL: Donald Trump first press conference


Friday, January 27, 2017

Waa maxay muxaafad

Soomaalidu waa dad aad u sheeko badan, isla markaana ay ku yar tahay wax akhrinta. waxey aad u soo xigtaan cilimiga aan isagu u baahneyn in iskuul loo aado ama looga soo baxo, waa cilmiga la yiraahdo cilmi dhegoodka oo keligii ayaaba iskuul ah, hadaba inta aan ku jirno qormadan aan ugu yeerno Iskuulkii Cilmi Dhegoodka.

Aragti kasta oo badata misana baahda, yeelatana saameyn wax ku ool ah waxey noqotaa iskuul ama wax la darso waxaana loogu magac daraa cidii aragtidaa laheyd. Sida (the school of Aristotle or the theories of Aristotle), oo noqotay mid baahday oo badatay saameyn badana ku yeelatay dadyowga dunida oo dhan ayaa waxey noqotay mid wax laga barto ama iskuul, taa soo keentay in isaga loogu magac daro oo la yiraahdo the school of Aristotle. 

Inkastoo iskuulka cilmi dhegoodka Soomaalida uusan laheyn qof kaliya, hadana waa dhaxal ay heystaan isuguna jira sax iyo khalad intaba mana jidho cid loogu magac daray oo gooni u leh. Hadaan u soo noqodo mowduuca waxaa jiray eray bixino si khalad loo isticmaalo marka la joogo xagga siyaasada, oo koley Soomaalidu ay ka barteen iskuulkoodii cilmi dhegoodka.

Erayadaasi waxaa ka mida erayga muxaafid oo inta badan aad ka dhex maqleyso marka siyaasada laga sheekeysanayo, eraygan waxaad moodaa in loo isticmaalo sidii inuu ka soo horjeedo erayga kale ee mucaarad, oo haddii erayga mucaarad uu ka soo horjeedo muxaafid waa maxay cagsiga erayga mu'ayid?

Erayga muxaafid waa eray laga soo dhiran dhiriyey afka carabiga oo la soomaaliyeeyey, marka la joogo luqada carabiga ee laga soo qaatayna waxaa uu macnihiisu yahay xagga siyaasada sidan (ilaa sasho dhaqankii soo jireenka ahaa) hadaba dadka iyaga u taagan ilaalinta dhaqankii hore waxaa lagu qeexi karaa iney yihiin dad muxaafid ah, halka kuwa ka soo horjeedana ay noqonayaan liberal(s)¹ oo ah isbadal doon. F.G. erayga (liberal) luqada carabiga qudheeda waa ku siyaado waana isla liberal oo eraygu waa laatiin ama (latin).²

Erayga mucaarad oo qudhiisa ah eray carbeed ayaa waxaa ka soo horjeeda erayga kale ee ku beegan ee ah mu'ayid oo isna qudhiisa laga soo qaatay afka carabiga oo macnihiisu yahay taageersan amaa taageero u haya.

Haddaba haddii erayga muxaafad aanu aheyn eray ka soo horjeeda erayga mucaarad maxaa keenay in loo qaato in uu la macno yahay erayga mu'ayid? Dabcan waxaa laga keenay iskuulkii cilmi degood-ka oo aan isagu kala saarin maxaa saxa maxaase qalada. Iskuulkaa soo aan la aqoon cida leh qudhiisa. Hadaan si kale u dhigana malaha waxaa laga keenay BBC-da oo aan mudo dheer dhageysan jirnay oo inooga sheekeyn jidhay 2-da xisibi ee ugu waaweyn ee Britain ka jira kuwaa soo kala ah Conservative party oo macnihiisu yahay xisbiga muxaafidka ah iyo labor party oo ah xisbiga shaqaalah.
------------------------------------
¹ Erayga liberal waxaa uu siyaado ku yahay luqada carabiga qudheeda oo waa latin
² Latin waa luqad dhaqameed ay lahaayeen galbeedka Europe ama roman-kii hore.

Maxey kula tahay

Friday, January 20, 2017

Kala Aragti Duwanaanta, Ma Ismaandhaaf Mise Khilaaf.... Qeybtii 2aad


Erayada (kala aragti, ismaandhaaf, iyo khilaaf) waxey dhaamntood inoo tilmaamayaan isla garasho la'aan arin gooniya oo laga wada hadlay. In lagu kala duwanaado fikradaha hadana uu qof aqbalo in la kala duwanaan karo waa shaqo adag oo u baahan dulqaad.

Ma sahlana in aad dhagahaaga u raariciso qof daldalaya fikrado aadan jecleyn isla markaana uu ku dhibayo dhigeysigeeda, laakiin waxa kaliya ee sababi kara inaad dhageysato waa inaad leedahay dulqaad iyo ilbaxnimo dheeraada oo kuu sheegaysa ixtiraamida fikradaha aadan jecleyn.

Oraahda maldahan ee ingriisiga ah ee oraneysa (agree to disagree) waxa ay soo baxday sanadkii 1770-kii macnaha guud |waa xalinta is afgaran waa ama khilaaf u dhaxeeya laba dhinac oo ay dhamaantood muujinayaan dulqaad iyagoo aan waxba isku raacin.| Hadaan si kooban hadana u sheego waa |aynu ku heshiino inaan is khilaafi karno anagoo aan kala tagin,| hadaan si kale u dhigo waa  |an isu dulqaadano anagoo kala fikrad ah.|

Ogow hab fakarka qof walba waa mid ka duwan kan kale, haddiise aad ku ixtiraamto kuna tixgeliso qof walba fikradiisa erayada khilaaf iyo ismaandhaaf ma noqonayaan kuwo foolxun. kala duwanaanshaha fikradaha waxey abuurtaa dood furan oo wax badan lagu sii kala ogaado. inkastoo in wax la isku raaco wacan tahay hadana (wax isku raacidu) waxey soo afjartaa in hadalku sii socdo ama wax cusub lakala ogaado.

Khilaafka iyo ismaandhaafku waa wax fiican hadii ay yihiin fikrado wax ku hagaagayaan (constructive disagreement,) waa haddii uu dulqaad jiro.
Dowladaha horumaray, kuma aaney horu marin iney technology-yad sameysteen ama nuclear ee waxey ku horumareen waa lahaanshaha dulqaadka (tolerance)  kaa soo asal u ah shey walba oo la qabanayo.

Diinta Islaamka dulqaadka iyo salaada waxaa weyn ama horeeya dulqaadka. Nabiga scw mar uu ka hadlayey dulqaadka iyo salaada waxaa uu ku yiri xadiis saxiixa (Salaadu waa nuur, sabarkuna waa iftiin) sida aad xadiiska ka garan kartaba iftiinka ayaa ka balaaran nuurka.

Si kasta oo ay ahaataba u adkeysiga dhageysiga fikirka kaa soo horjeeda waa ilbaxnimo dheeraad ah.

maxey kula tahay

Thursday, January 19, 2017

Kala aragti duwanaanta, ma ismaandhaaf, mise khilaaf


Aadanahu waa noolaha kaliya ee hadla, fakara, hadana furfuran (dabacsan) oo is dhex gala¹. Hadalka waa xiriir xirfadeedka sababy in qofku fakaro² waana  wax yaabaha keenay in aadanuhu ka duwanaado noolaha kale.

Hadaba in la hadlo waxey keentay in la fakaro, in la fakarana waxey keentay in la kala duwanaado xagga fahamka wixii laga fakarayey. Waxaa halkaa ka dhashay eray bixino qeexaya waxa dhacay, A- kala aragti, B- ismaandhaaf, C- khilaaf.

Eray bixinadani marka aan ka fiirsano macnahooda, waxaad moodaa in ay kala duwan yihiin xagga asluubka afsoomaaliga ama dhaqanka Soomaaliga. Erayga (kala aragti) wuxuu u dhadhamayaa sidii inuu yahay eray qeexaya |kala duwanaasho ra'yi oo ku dhisan asluub wanaagsan oo edeb leh,| halka erayga (ismaandhaaf) aad moodo sidii inuu qeexayo |iska hor imaansho fikir, oo wata fara taag taag ama rabshad,| erayga 3aad ee (khilaaf) waxaad isna moodaa sidii inuu ka turjumayo |aragti wax kala fogeyneysa isla markaana riman dhibaato soo socota|

haddii aad igu waafaqsan tahay in erayadani ay sidaa u dhadhamayaan, hadaba aan ogaano waxa keenay iney sidaa u muuqdaan. Marka la eego dhaqanka Soomaaliga halka uu ka soo bilaabmay, waxaan muran ka taagneyn inuu ahaa dhaqan kayimi intiisa badan nolosha miiga ee ku dhisan adadeeg iyo ilbaxnimo la'aan. Qaleef badan oo ka muuqda ayaa wuxuu dhaqankaasi keenay in haddiiba aan aragtida la isku raacin ay ka dhalato had iyo goor male aan wanaagsaneyn taa soo u badnaan karta mid rabshadeysan. Maadaama uu yahay dhaqan dhiirigeliya u dulqaadasho la'aanta aragtida kaa soo horjeeda, ayaa waxey sababtay in erayada ismaandhaaf iyo khilaaf u muuqdaan kuwo dhiilo xanbaarsan.

Laakiin erayadani maaha kuwo sida aan u fahamsan nahay ka turjumaya marka lagu eego luqadaha kale, wax walba waxa fool xumeeya ama qurxiya dhaxalka ilbaxnimo ee aad leedahay halka uu uu gaarsiisan yahay.

malaga yaabaa in erayadani ay isu badali karaan kuwo na tusa macnayaal qurux badan, haddii jawaabtu tahay haa, sidee bey inoo tusi karaan? inkastoo anan weli gaarin halkii aan u dan lahaa hadana su'aalahaasi iyo kuwo kaleba ka filo qeybta 2aad.

---------------------------------------------------------------------------------------------------
¹ xigasho aragtidii Aristotle
² xigasho aragtidii Abwaan Gaariye