Wednesday, December 14, 2016

Goormuu xalku dhow yahay



Waxaan ku bilaabayaa hadal gaaban oo uu jeediyey af-hayeenka baarlamanka Mareykanka, si aan is bar bardhig siyaasadeed u sameyno. John Boehner: “It had become clear to me that the prolonged leadership turmoil would do irreparable
Wey ii cadaatay in hogaamin ku saleysan weerar iyo weerar celis (qas) oo daba dheeraada, ay ku sababi karto waxyeelo aan la hagaajin karin hey’adda baarlamanka (congress-ka)
Boehner wuxuu ahaa af-hayeenkii baarlamanka (congress-ka) Mareykan. Wuxuu isu casilay kadib markuu ogaaday is heyssiga iyo muranka xoogan ee u dhaxeeya siyaasiyiinta labada xisbi (republican and Democratic party) iyo gaar ahaan kan xisbigiisa ka sii dhex jira ee hangoolka uu dadka uga hayo koox mayal adag oo xisbigiisa kala tirsan, in hogaanka noocaa ah ee qasan, sababi kareyso wax yeelo adag oo aan hadhow la maarey karin. Hadaba inta aaney taa dhicin wuxuu go’aan ku gaaray inuu isagoo weli sii jooga ay dhicin oo uu hadeer isaga tago oo aan magac xun ka raacin.
Waa caqli iyo hab fakar aan ka iman karin hogaamiye African ah.
Hogaankii qaldanaa ee Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre ee uu ku garan waayey inuu kaga kawareego hogaanka inta aaney ka dhalan waxyeelo aan la hagaajin karin, waxey sababtay in wadankii Soomaaliya la oran jiray ceelkii uu ku dhacay waagaa 25 sano ka kadib laga soo saari la’yahay ilaa hadda.
Maputo, Mugabe, Charles Taylor, Laurent Gbagbo iyo kuwo kaloo badan waxey iyana ahaayeen welina yihiin qaar ka mida oo jooga keli talisyayaal waxyeelo dhaqaale, siyaasadeed oo ay adkaatay maareynteeda u geystay wadamadooda.
Lacagta wadanka Zimbabwe waxey mareysaa heerkii ugu xumaa ee uu wadan African ah gaaro, oo $5-ta doolar ee Mareykanka ah waxey u dhigantaa lacagta wadanka Zimbabwe, (not billions but trillions) maaha bilyano ee waxey u dhigantaa kumanaan bilyan oo Zimbabwe-yan ah.
Waxaa jaraa’idad lagu qorayey Bilyineer gaajoonaya, oo macnaheedu yahay qofka reer Zimbabwe ee heysta $5 doolar marka uu lacagta gudaha wadankiisa u badasho waxey u noqoneysaa billions hadana maaha qof qani ah.
Mugabe maaha ninka kaliya ee reer Zimbabwe ugu caqli badan, maaha ninka kaliya ee istaahila inuu dalkaa u taliyo. Wuxuu talada la wareegay 1987 ilaa hadda waa 28 sano, dadka reer Zimbabwe waxey xaq u leeyiin in ay talada wax ku yeeshaan, waxna doortaan lana doorto.
Hab fikirka John Boehner iyo garashadiisa waa midaan marnaba laga heli karin, hogaamiyayaasha Africa qaarkood.
Qofku waa inuu gartaa maalinta xalka uu dhow yahay.
F. W. de Klerk wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu danbeeyey oo cadaan ah ee dalka South Africa (Koonfur Afrika) waayihii midab takoorka.
Xiligiisii waxaa isa soo tray kacdoonkii dadkii madoobaa ee wadankiisa, waxaa la gaaray heer aad u kharaar, wuxuu ogaaday haddii uu wadanka sidaa ku sii hayo in S. Africa ay ku dhici doonto god ay adag tahay in mustaqbalka laga soo saaro.
Wuxuu kaloo ogaaday qofka keliya ee caawa S. Africa badbaadin karaya uu yahay Nelson Mandela.
F. W. de klerk wuxuu go’aan ku gaaray inuu ka wareego talada dalka, xabsigana ka soo saaro Mandela oo ah ninka kaliya ee caawa dalka badbaadin kara.
F. W. de klerk waxaa uu xabsiga ka soo saaray oo dadkii S. Africa la hadlay habeenkaa Nelson Mandela.
Mandela wuxuu jeediyey habeenkaa khudbad taarikhi noqotay. Daqiiqadahaa is bedelka ah ee uu sameeyey F. W. de klerk waxey noqotay mid wax ka badashay hab socodkii taariikheed ee S. Africa iyo caalamka.
Gabagabo fadlan garo maalinta xalku dhow yahay, ha taageerin keligii taliye is mooday inuu dadkiisa ugu caqli badan yahay.
Mahadsanidiin
SAID ABDI HIRSI
Des Moines, Iowa. United States
Email (saidhirsi39@gmail.com

No comments: