Wednesday, December 14, 2016

Goormuu xalku dhow yahay



Waxaan ku bilaabayaa hadal gaaban oo uu jeediyey af-hayeenka baarlamanka Mareykanka, si aan is bar bardhig siyaasadeed u sameyno. John Boehner: “It had become clear to me that the prolonged leadership turmoil would do irreparable
Wey ii cadaatay in hogaamin ku saleysan weerar iyo weerar celis (qas) oo daba dheeraada, ay ku sababi karto waxyeelo aan la hagaajin karin hey’adda baarlamanka (congress-ka)
Boehner wuxuu ahaa af-hayeenkii baarlamanka (congress-ka) Mareykan. Wuxuu isu casilay kadib markuu ogaaday is heyssiga iyo muranka xoogan ee u dhaxeeya siyaasiyiinta labada xisbi (republican and Democratic party) iyo gaar ahaan kan xisbigiisa ka sii dhex jira ee hangoolka uu dadka uga hayo koox mayal adag oo xisbigiisa kala tirsan, in hogaanka noocaa ah ee qasan, sababi kareyso wax yeelo adag oo aan hadhow la maarey karin. Hadaba inta aaney taa dhicin wuxuu go’aan ku gaaray inuu isagoo weli sii jooga ay dhicin oo uu hadeer isaga tago oo aan magac xun ka raacin.
Waa caqli iyo hab fakar aan ka iman karin hogaamiye African ah.
Hogaankii qaldanaa ee Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre ee uu ku garan waayey inuu kaga kawareego hogaanka inta aaney ka dhalan waxyeelo aan la hagaajin karin, waxey sababtay in wadankii Soomaaliya la oran jiray ceelkii uu ku dhacay waagaa 25 sano ka kadib laga soo saari la’yahay ilaa hadda.
Maputo, Mugabe, Charles Taylor, Laurent Gbagbo iyo kuwo kaloo badan waxey iyana ahaayeen welina yihiin qaar ka mida oo jooga keli talisyayaal waxyeelo dhaqaale, siyaasadeed oo ay adkaatay maareynteeda u geystay wadamadooda.
Lacagta wadanka Zimbabwe waxey mareysaa heerkii ugu xumaa ee uu wadan African ah gaaro, oo $5-ta doolar ee Mareykanka ah waxey u dhigantaa lacagta wadanka Zimbabwe, (not billions but trillions) maaha bilyano ee waxey u dhigantaa kumanaan bilyan oo Zimbabwe-yan ah.
Waxaa jaraa’idad lagu qorayey Bilyineer gaajoonaya, oo macnaheedu yahay qofka reer Zimbabwe ee heysta $5 doolar marka uu lacagta gudaha wadankiisa u badasho waxey u noqoneysaa billions hadana maaha qof qani ah.
Mugabe maaha ninka kaliya ee reer Zimbabwe ugu caqli badan, maaha ninka kaliya ee istaahila inuu dalkaa u taliyo. Wuxuu talada la wareegay 1987 ilaa hadda waa 28 sano, dadka reer Zimbabwe waxey xaq u leeyiin in ay talada wax ku yeeshaan, waxna doortaan lana doorto.
Hab fikirka John Boehner iyo garashadiisa waa midaan marnaba laga heli karin, hogaamiyayaasha Africa qaarkood.
Qofku waa inuu gartaa maalinta xalka uu dhow yahay.
F. W. de Klerk wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu danbeeyey oo cadaan ah ee dalka South Africa (Koonfur Afrika) waayihii midab takoorka.
Xiligiisii waxaa isa soo tray kacdoonkii dadkii madoobaa ee wadankiisa, waxaa la gaaray heer aad u kharaar, wuxuu ogaaday haddii uu wadanka sidaa ku sii hayo in S. Africa ay ku dhici doonto god ay adag tahay in mustaqbalka laga soo saaro.
Wuxuu kaloo ogaaday qofka keliya ee caawa S. Africa badbaadin karaya uu yahay Nelson Mandela.
F. W. de klerk wuxuu go’aan ku gaaray inuu ka wareego talada dalka, xabsigana ka soo saaro Mandela oo ah ninka kaliya ee caawa dalka badbaadin kara.
F. W. de klerk waxaa uu xabsiga ka soo saaray oo dadkii S. Africa la hadlay habeenkaa Nelson Mandela.
Mandela wuxuu jeediyey habeenkaa khudbad taarikhi noqotay. Daqiiqadahaa is bedelka ah ee uu sameeyey F. W. de klerk waxey noqotay mid wax ka badashay hab socodkii taariikheed ee S. Africa iyo caalamka.
Gabagabo fadlan garo maalinta xalku dhow yahay, ha taageerin keligii taliye is mooday inuu dadkiisa ugu caqli badan yahay.
Mahadsanidiin
SAID ABDI HIRSI
Des Moines, Iowa. United States
Email (saidhirsi39@gmail.com

Tuesday, December 13, 2016

WAR BAAHINTA IYO WARIYAHA … Qeybtii 2aad

 Habsamida warbaahinta

Warbaahinta iyo mihnad kasta oo xirfad sare ah waxey leedahay wax la yiraahdo (ethics) oo macnaheedu yahay (habsami ama nidaam dhaqameed wanaagsan oo xushmad xanbaarsan)
Waana xeer laga doonayo qofkasta oo xirfad sare leh inuu la yimaado ama raaco habsamidaa.

Wariyuhu waa qof xirfad sare leh gaar ahaan marka uu yaha qof loo carbiyey oo iskuul uga soo baxay, habsamida laga doonayo wariyaha inuu muujiyo lana yimaado waa kuwo farabadan, inkastoo aan halkan lagu soo wada koobi karin bal aan wax yar ka sheegno, waana sidan.
1- wariyuhu waa qof wacyi ahaan aad u baraarugsan, macluumaadkiisuna aad u badan yihiin sida
a) ka warqabida wixii jiri jiray iyo waxa markaa jira
b) xusuus badan oo laga ogaado dhacdooyin dhacay dadkuse si fudud ku ilaaween
c) isku xira dhacdooyinka haddii ay jiraan kuwo hore oo la mida kuwa markaa taagan

2- wariyahu waa qof hadal yaqaana hadana heli og, kala xusha weedhaha
3- wariyuhu waa qof wax akhriya, sida buugaagta la qoray iyo waxa warbaahinada kaleba ee ay qoreen
4- wariyuhu waa qof xurmeeya afkaaraha kala duwan ee dadku qabaan
5- wariyuhu waa qof isxakameyn og hadey caro timaado inta uu howsha ku guda jiro
6- wariyuhu waa qof xaqiiqda raadiya, kuna fakara intaad noqon laheyd wariyihii u horeeyey ee dhacdada beenta ah faafiya noqo kan ugu dambeeya dhcdada runteeda soo sheega
7- wariyuhu waa qof soo bandhiga dhacdooyinka ee maaha qof xukuma (sida hebel waa danbiile) iyadoo hebelkaasi aanu jirin dacwad ooge ku cadeeyey danbiga iyo maxkamad soo xukuntay toona
8- waa qof muuqaalkiisa wanaajiya had iyo goor, lagana garto labiskiisa inuu yahay qof xirfad sare leh
9- wariyuhu waa qof si aan toos aheyn dadka wax uga bartaan
10- waa qof hal wax oo uu sheegay duni dhami isku yaacin kara

Aqristow mar haddii warbaahinta iyo wariyuhu yihiin awood wax badali karta, sow kulama aha iney noqdaan kuwo masuuliyad dareema. Kawaran kuweena Soomaalida

Maxey kula tahay

Monday, December 12, 2016

WAR BAAHINTA IYO WARIYAHA



Inkastoo war baahintu aaney la bilaaban bilowgii nolosha aadanaha, hadana waxaa sababay jiritaankeeda ilbaxnimadii isa soo tareysay ee ay dunidu gaareysay. Marka laga tago mar xaladaha ay soo martay iyo sida ay ku bilaabatay war baahintu, hadana waxa ay noqotay awood madax banaan, oo aan lagu kadsoomi karin.

War baahintu waxaa lagu tiriyaa qeybta 4aad, marka laga tago siyaasada, dhaqaalaha, iyo cadaalada. Marka la joogo America dastuurka mareykan-ka waxaa si aan rasmi aheyn ugu taala qeybsanka dawlada mareykan inuu yahay 3-qeybood iyo qeyb 4aad oo aan rasmi aheyn.
1- golaha fulinta mareykanka (Madaxweynaha, ku xigeenka, iyo wasiirada)
2- baarlamanka mareykanka (oo isugu jira labada aqal)
3- cadaaladda (justice system-ka) iyo qeybtii 4-aad ee aan rasmiga aheyn waa WARBAAHINTEE.

Anigoo aan ku sii dheeraaneyn taa, war baahintu waxey ka kooban tahay 1- joornaalada la qoro, majaladaha todobaadle-yaasha ah, idaacadaha la dhageysto, kuwa la daawado iyo shabakadaha caqliga badan (internet news sites).

WARIYAHA

Waa qofka kala wada war baahinta mana jirteen war baahini hadaanu wariye jireen. Wariyaha waa qof nasiib u helay inuu ka shaqeeyo mihnad sharaf badan leh,wariyuhu waxaa uu awood u leeyahay inuu la kulmo isla markaana wax weydiiyo, madaxweyne, ra'iisal wasaare, Boqor boqortooyo, qof caana iyo kuwo kale oo badan.
Waa qof weydiin kara (noocyada aan soo sheegnay) su'aal aaney ku dhicin iney weydiiyaan dadka caadiga ah.

Wariyaha iyo war baahintiisaba waxa ay qeyb 3aad ka yihiin guryaha (waalidiinta) iyo iskuulaadka oo ah halka ubadka laga tarbiyadeeyo. Ayaa sidaa si la mid ah ubadku wax uga baranayaa wariyaha war baahinta ka soo jeeda.

Wariyaha waa qof xanbaarsan masuuliyad la mida tan uu xanbaarsan yahay madaxweynaha, wasiirka, qaadiga, waalidka iyo macalinka.

Waa qof aan eray kasta isticmaali karin, maadaama ay daawanayaan, dhageysanayaan, akhrisanayaan dad kala duwan oo qaar caruur noqon karaan.

Wariyaha waa qof xaqiiqda soo bandhiga hadana dhex dhexaad ah, inkastoo taa danbe aaney qasab aheyn. Waayo wariyaha waa qof ku shaqeeya xeerka hey'adda war baahineed ee uu u shaqeeyo, laakiin taa macnaheedu maaha in uu ka tago isticmaalka erayada wanaagsan iyo habsamida.

Wariyuhu waxaa uu ee leeyahay (Ethics) oo ah Habsami. La soco qeybta 2aad.

Tuesday, November 29, 2016

DR. XEYLE SUUDI IYO DHAQANKA YAA U GARNIQI DOONA?. (Arinka Saado)





Waxaan akhriyey maqaal uu ku qoray website ka (caasimadda.com) nin magaciisa ku laray darajada (Dr), waa Dr Xeyle Suudi. Darajada (Dr) waa title laga soo gaabshay erayga af-ingriisiga ah ee loo qoro sidan (Doctor), erayga Doctor laba nooc ayaa loo kala qeybshaa waana title aqoon xanbaarsan, macanaha 1aad waxaa loo yaqaanaa qofka bartay kuna takhasusay cilmiga caafimaadka aadanaha ama xoolaha (medical doctor), macanaha 2aad waxaa loo yaqaanaa qofka isna bartay aqoonta inteedaa kale oo heysta shahaadada Doctorate-ka ee loo yaqaan "PHD" lagana soo gaabshay (Doctor of Philosophy). Dr Xeyle wuxuu sitaa oo uu soo qortay darajadaa, ma garan karno iney dhab tahay oo uu yahay qof title-kaa leh iyo iney tahay boobkii lagu hayey darajooyinkii cilmiga iyo kuwii ciidanka 20-kii sano ee bur burka lagu jiray.

Hadaan u soo noqdo maqaalkii Dr Xeyle waxaa uu kaga hadlayey fanaanada Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame, waxaa uu isku dayey Dr Xeyle inuu kaga hadlo maqaalka taariikhda Saado, hayeeshee uu qalad badani ka buuxshay isla markaana uu huwiyey af la gaadho aan loo meel dayin. Dr Xeyle waxaa uu fanaanada ku tilmaamay tilmaamo dhowra, sida "hayi raac, dhuuni raac, tuul la isticmaalo, (tuul waa qalab la isticmaalo marka wax la fur furayo ama la dhisayo, IWM. 

Saado waa fanaanad Soomaaliyeed maantana waxaa u dheer iney tahay xildhibaanad Soomaaliyeed, waa qof la dhaliili karo oo taa lama diidi karayo, waayo qofka mar haddii uu "celebrity" noqdo, qof caana ama siyaasiya waa hubaal in ay jirayaan dad badan oo la dhacsan iyo kuwa kaloo badan oo iyana diidan. Marka aad qof ceynkaaya  dhaliileyso waa in dhaliishaadu noqotaa mid xikmadeysan isla markaana ka reeban "shaqsi weerar" adigoo doodaada qodobeynaya, xishood iyo asluubna raacinaya si qofka la dhaliilayaa qudhiisu uu wax ugu qaato inta kale ee maqasha dhaliishaana ama aragtaa ay ula muuqan karto dhaliil wax ku ool ah oo hufan, hadii qofka la dhaliilayaana uu noqdo qof dumara iyana ka sii daran oo waa inaad carabkaaga iyo qalinkaagaba aad u ilaalisaa saadan ugu dhicin wax qadafa oo aad qofkaa dumarka u geysato.

XAGGA DHAQANKA.

Soomaalidu waa dad dhaqan iyo diin leh, si kastoo ay raggu isugu dhacaan, haddana waxaa reebanaan jirtay in xagga qoyska iyo dumarka la iska maro, waxeyna weligeed aheyd ceeb aad u weyn in qof meel fagaare ah gabadh wax uga sheego, hadey dhacdana inta la canaanto oo la isugu tago ayaa xaal iyo xumeyn laga qaadi jiray. Intaa kaliya maahee waxaa reebanaan jirtay ceeb weynna loo arki jiray haddii nin, ku siiyo gabadh uu dhalay in lagaa maqlo (ma rabo) oo aad diido gabadhii lagu siiyey. Raage Ugaas oo ahaa gabyaa caana ayaa gabadh uu jeclaa dhib badana ka maray ugu danbeyn ku guuleystay inuu doono oo la siiyo, Raage xoolo badan ayuu ku baxshay,  xiligii uu u soo diyaar garoobay inuu gabadhii la siiyey ee uu jeclaa la aqal galo, ayaa markii uu reeraha soo gaaray lagu war geliyey in gabadhii Garaad Faarax Garaad Wiil Waal la siiyey oo la aqal galay. Raage dhulkii baa la wareegay maskaxdiisana wax badan baa ku soo dhac dhacayey.

Odeygii gabadha dhalay oo Raage Ugaas la hadlaya ayaa yiri, Raagow war la ceeboobyee wax kaloo aan sameeyana ma aqaane ee maandhow gabadha aad jeclaatay tii kayareyd baa joogta iyadaan ku siiyey. Raage oo ahaa nin qorshe hor leh la kulmay waagiina ku baryey, caro fara badanna ka muuqataa, gabayana xataa ka tiriyey waayadii danbe waxa lagu sameeyey, ayaa haddana ku dhici kari waayey inuu yiraahdo maya oo ma doonayo gabadhaa, isagoo sababo badan oo uu ku gar leeyahayna heystay, xoolana weliba looga qaatay gabadhii ninka kale la siiyey ee godobta looga galay, ugu danbeyn Raage wuxuu ku qasbanaaday inuu ogolaado, taana bal aan ku qotomino sida dhaqanka waanaagsan ee gabdhaha loo ixtiraamo.

XAGGA DIINTA.

Xiligii Nabi Muxamed (NNKAY) waxaa soo dhacay dagaalo dhowr ah, waxaana ka mid dagaaladaa, dagaal kii la oran jiray (Qazwatu Banu Qeynu Qaac) ama "dagaal kii reer Qaynu Qaac". Dagaal kaa sababtii uu ku yimi ayaa waxaa lagu sheegaa in " haweenay muslimad aheyd oo aan magaceeda labsheegin lana qabay, ay u soo adeeg doonatay dukaan ay lahaayeen yahuudii reer Qeynu Qaac ee Madiina daganeyd, dabeetana gabadhii intii ay ku sii jeeday badeecadii ay gadan laheyd ayaa ninkii meesha lahaa inta maradeeda hoosta ka soo jiiday ilaa madaxa ugu xiray, waxaana muuqday gabadhii cowradeedii, nin Ansaartii reer Madiina (saxaabi) ka mid ah oo goobta joogay ileen gabadhuba Ansaariyad bey aheyde ( Anasaar waxaa loo yaqaanay saxaabadii Nabiga NNKHA uu ugu yimi magaalada Madiina) ayaa markiiba weeraray ninkii reer Qeynu Qaac wuuna dilay, raggii kale ee meesha joogay lana reero ahaa ninka la dilay ee Qeynu Qaac baa iyana weeraray saxaabigii reer Ansaareed ilaa ay ka dileen, wuxuuna saxaabigaa u dhintay isagoo gabadhaa difaacaya sharafkeeda. Kadibna arintii baa lawada maqlay waxaana halkaa ka kacay dagaal kii weynaa ee loogu magac daray (duulaan kii Qeynu Qaac) waxaa qisadan buuggaagtooda ku qoray Ibnu Kathiir iyo Ibnu Hishaam, taana aan ku qotomino qiimaha Islaamka u hayo gabdhaha iyo sida loo dhowro.

XAGGA REER GALBEEDKA.

Waxaa laga yaabaa qaar badan oo uu Dr. Xeyle ka mid yahayba ay u heystaan in reer Galbeedku aanay ixtiraamin gabdhahooda, iyo gabadh kasta oo wadamadooda kula nool, laakiinse sidaa maaha, oo waxaad moodaa in sida Soomaalida iyo dadyowga kale ay gabdhahooda dhaqan ahaan u xushmeeyaan, si la mida ama ka wacan ay iyana u xushmeeyaan. 

TUSAALE: Xiligii hardanka doorashada ay ku wada jireen labada Xisbi ee Mareykanka "Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga" ayaa sida caadada ah loo qabtaa doodo 2da nin ee markaa Xisbi walba u sharaxan Madaxweynenimada dalka, kadib war-baahinta laga sii daaya, lagana doodaa. Haddaba hardankooda wuxuu gaaraa heer kharaar waxaana dhacda inaan waxba la isula harin, iyadoo aan hadana laga tageyn asluubka waanaagsan ee la isu dhaliilo.

Laakiin waxaa dhacday arin aan lagu tashashan oo hal mar jaah wareer ku keentay wadanka oo dhan, kadib markii haweeney Xisbiga Dimuqraadiga u qaabilsan "Arimaha Istraatiijiyada ee Xisbiga" ay si bareer ah u maagtay Xaaska Murashaxii Jamhuuriga Mitt Romney oo iyaduna magaceedu ahaa Anna Romney, hweeneydaa Dimoqraadiga ah ayaa waxey tiri "Anna Romney weligeed ma shaqeyn, mana garan karto dhibaatada heysa dadka shaqeeya" mar qura ayaa lawada naxay Dimoqraadi iyo Jamhuuriba Obama oo ahaa Murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga iyo masuuliyiin kaloo badan ayaa ka dalbaday haweeneydii iney raali gelin ka bixiso, waxaana in badan lagu cel celiyey "dagaalka inaan loo gudbin ama la soo gelin xaasaska iyo qoysaska" si dhaqanka aan looga tagin iyo ixtiraamka qoysasku leeyihiin. Arinkaasi ay haweeneydu ku kacday wuxuu noqday shock taana waxey na tuseysaa in xagga qoysaska iyo dumarka la iska maro ay Khalad weyn tahay, hadey noqon laheyd Muslim iyo dad aan Muslimba aheyn, bal taana aan ku qotomino kawada sinaanshaha umadaha oo dhan, khalad u arkida wax ka sheega gabdhaha goobaha fagaaraha ah.