Friday, January 27, 2017

Waa maxay muxaafad

Soomaalidu waa dad aad u sheeko badan, isla markaana ay ku yar tahay wax akhrinta. waxey aad u soo xigtaan cilimiga aan isagu u baahneyn in iskuul loo aado ama looga soo baxo, waa cilmiga la yiraahdo cilmi dhegoodka oo keligii ayaaba iskuul ah, hadaba inta aan ku jirno qormadan aan ugu yeerno Iskuulkii Cilmi Dhegoodka.

Aragti kasta oo badata misana baahda, yeelatana saameyn wax ku ool ah waxey noqotaa iskuul ama wax la darso waxaana loogu magac daraa cidii aragtidaa laheyd. Sida (the school of Aristotle or the theories of Aristotle), oo noqotay mid baahday oo badatay saameyn badana ku yeelatay dadyowga dunida oo dhan ayaa waxey noqotay mid wax laga barto ama iskuul, taa soo keentay in isaga loogu magac daro oo la yiraahdo the school of Aristotle. 

Inkastoo iskuulka cilmi dhegoodka Soomaalida uusan laheyn qof kaliya, hadana waa dhaxal ay heystaan isuguna jira sax iyo khalad intaba mana jidho cid loogu magac daray oo gooni u leh. Hadaan u soo noqodo mowduuca waxaa jiray eray bixino si khalad loo isticmaalo marka la joogo xagga siyaasada, oo koley Soomaalidu ay ka barteen iskuulkoodii cilmi dhegoodka.

Erayadaasi waxaa ka mida erayga muxaafid oo inta badan aad ka dhex maqleyso marka siyaasada laga sheekeysanayo, eraygan waxaad moodaa in loo isticmaalo sidii inuu ka soo horjeedo erayga kale ee mucaarad, oo haddii erayga mucaarad uu ka soo horjeedo muxaafid waa maxay cagsiga erayga mu'ayid?

Erayga muxaafid waa eray laga soo dhiran dhiriyey afka carabiga oo la soomaaliyeeyey, marka la joogo luqada carabiga ee laga soo qaatayna waxaa uu macnihiisu yahay xagga siyaasada sidan (ilaa sasho dhaqankii soo jireenka ahaa) hadaba dadka iyaga u taagan ilaalinta dhaqankii hore waxaa lagu qeexi karaa iney yihiin dad muxaafid ah, halka kuwa ka soo horjeedana ay noqonayaan liberal(s)¹ oo ah isbadal doon. F.G. erayga (liberal) luqada carabiga qudheeda waa ku siyaado waana isla liberal oo eraygu waa laatiin ama (latin).²

Erayga mucaarad oo qudhiisa ah eray carbeed ayaa waxaa ka soo horjeeda erayga kale ee ku beegan ee ah mu'ayid oo isna qudhiisa laga soo qaatay afka carabiga oo macnihiisu yahay taageersan amaa taageero u haya.

Haddaba haddii erayga muxaafad aanu aheyn eray ka soo horjeeda erayga mucaarad maxaa keenay in loo qaato in uu la macno yahay erayga mu'ayid? Dabcan waxaa laga keenay iskuulkii cilmi degood-ka oo aan isagu kala saarin maxaa saxa maxaase qalada. Iskuulkaa soo aan la aqoon cida leh qudhiisa. Hadaan si kale u dhigana malaha waxaa laga keenay BBC-da oo aan mudo dheer dhageysan jirnay oo inooga sheekeyn jidhay 2-da xisibi ee ugu waaweyn ee Britain ka jira kuwaa soo kala ah Conservative party oo macnihiisu yahay xisbiga muxaafidka ah iyo labor party oo ah xisbiga shaqaalah.
------------------------------------
¹ Erayga liberal waxaa uu siyaado ku yahay luqada carabiga qudheeda oo waa latin
² Latin waa luqad dhaqameed ay lahaayeen galbeedka Europe ama roman-kii hore.

Maxey kula tahay

1 comment:

SAID HIRSI said...

Commentskaagu waa muhiim