Friday, January 20, 2017

Kala Aragti Duwanaanta, Ma Ismaandhaaf Mise Khilaaf.... Qeybtii 2aad


Erayada (kala aragti, ismaandhaaf, iyo khilaaf) waxey dhaamntood inoo tilmaamayaan isla garasho la'aan arin gooniya oo laga wada hadlay. In lagu kala duwanaado fikradaha hadana uu qof aqbalo in la kala duwanaan karo waa shaqo adag oo u baahan dulqaad.

Ma sahlana in aad dhagahaaga u raariciso qof daldalaya fikrado aadan jecleyn isla markaana uu ku dhibayo dhigeysigeeda, laakiin waxa kaliya ee sababi kara inaad dhageysato waa inaad leedahay dulqaad iyo ilbaxnimo dheeraada oo kuu sheegaysa ixtiraamida fikradaha aadan jecleyn.

Oraahda maldahan ee ingriisiga ah ee oraneysa (agree to disagree) waxa ay soo baxday sanadkii 1770-kii macnaha guud |waa xalinta is afgaran waa ama khilaaf u dhaxeeya laba dhinac oo ay dhamaantood muujinayaan dulqaad iyagoo aan waxba isku raacin.| Hadaan si kooban hadana u sheego waa |aynu ku heshiino inaan is khilaafi karno anagoo aan kala tagin,| hadaan si kale u dhigo waa  |an isu dulqaadano anagoo kala fikrad ah.|

Ogow hab fakarka qof walba waa mid ka duwan kan kale, haddiise aad ku ixtiraamto kuna tixgeliso qof walba fikradiisa erayada khilaaf iyo ismaandhaaf ma noqonayaan kuwo foolxun. kala duwanaanshaha fikradaha waxey abuurtaa dood furan oo wax badan lagu sii kala ogaado. inkastoo in wax la isku raaco wacan tahay hadana (wax isku raacidu) waxey soo afjartaa in hadalku sii socdo ama wax cusub lakala ogaado.

Khilaafka iyo ismaandhaafku waa wax fiican hadii ay yihiin fikrado wax ku hagaagayaan (constructive disagreement,) waa haddii uu dulqaad jiro.
Dowladaha horumaray, kuma aaney horu marin iney technology-yad sameysteen ama nuclear ee waxey ku horumareen waa lahaanshaha dulqaadka (tolerance)  kaa soo asal u ah shey walba oo la qabanayo.

Diinta Islaamka dulqaadka iyo salaada waxaa weyn ama horeeya dulqaadka. Nabiga scw mar uu ka hadlayey dulqaadka iyo salaada waxaa uu ku yiri xadiis saxiixa (Salaadu waa nuur, sabarkuna waa iftiin) sida aad xadiiska ka garan kartaba iftiinka ayaa ka balaaran nuurka.

Si kasta oo ay ahaataba u adkeysiga dhageysiga fikirka kaa soo horjeeda waa ilbaxnimo dheeraad ah.

maxey kula tahay

No comments: