Monday, December 12, 2016

WAR BAAHINTA IYO WARIYAHA



Inkastoo war baahintu aaney la bilaaban bilowgii nolosha aadanaha, hadana waxaa sababay jiritaankeeda ilbaxnimadii isa soo tareysay ee ay dunidu gaareysay. Marka laga tago mar xaladaha ay soo martay iyo sida ay ku bilaabatay war baahintu, hadana waxa ay noqotay awood madax banaan, oo aan lagu kadsoomi karin.

War baahintu waxaa lagu tiriyaa qeybta 4aad, marka laga tago siyaasada, dhaqaalaha, iyo cadaalada. Marka la joogo America dastuurka mareykan-ka waxaa si aan rasmi aheyn ugu taala qeybsanka dawlada mareykan inuu yahay 3-qeybood iyo qeyb 4aad oo aan rasmi aheyn.
1- golaha fulinta mareykanka (Madaxweynaha, ku xigeenka, iyo wasiirada)
2- baarlamanka mareykanka (oo isugu jira labada aqal)
3- cadaaladda (justice system-ka) iyo qeybtii 4-aad ee aan rasmiga aheyn waa WARBAAHINTEE.

Anigoo aan ku sii dheeraaneyn taa, war baahintu waxey ka kooban tahay 1- joornaalada la qoro, majaladaha todobaadle-yaasha ah, idaacadaha la dhageysto, kuwa la daawado iyo shabakadaha caqliga badan (internet news sites).

WARIYAHA

Waa qofka kala wada war baahinta mana jirteen war baahini hadaanu wariye jireen. Wariyaha waa qof nasiib u helay inuu ka shaqeeyo mihnad sharaf badan leh,wariyuhu waxaa uu awood u leeyahay inuu la kulmo isla markaana wax weydiiyo, madaxweyne, ra'iisal wasaare, Boqor boqortooyo, qof caana iyo kuwo kale oo badan.
Waa qof weydiin kara (noocyada aan soo sheegnay) su'aal aaney ku dhicin iney weydiiyaan dadka caadiga ah.

Wariyaha iyo war baahintiisaba waxa ay qeyb 3aad ka yihiin guryaha (waalidiinta) iyo iskuulaadka oo ah halka ubadka laga tarbiyadeeyo. Ayaa sidaa si la mid ah ubadku wax uga baranayaa wariyaha war baahinta ka soo jeeda.

Wariyaha waa qof xanbaarsan masuuliyad la mida tan uu xanbaarsan yahay madaxweynaha, wasiirka, qaadiga, waalidka iyo macalinka.

Waa qof aan eray kasta isticmaali karin, maadaama ay daawanayaan, dhageysanayaan, akhrisanayaan dad kala duwan oo qaar caruur noqon karaan.

Wariyaha waa qof xaqiiqda soo bandhiga hadana dhex dhexaad ah, inkastoo taa danbe aaney qasab aheyn. Waayo wariyaha waa qof ku shaqeeya xeerka hey'adda war baahineed ee uu u shaqeeyo, laakiin taa macnaheedu maaha in uu ka tago isticmaalka erayada wanaagsan iyo habsamida.

Wariyuhu waxaa uu ee leeyahay (Ethics) oo ah Habsami. La soco qeybta 2aad.

No comments: