Tuesday, December 13, 2016

WAR BAAHINTA IYO WARIYAHA … Qeybtii 2aad

 Habsamida warbaahinta

Warbaahinta iyo mihnad kasta oo xirfad sare ah waxey leedahay wax la yiraahdo (ethics) oo macnaheedu yahay (habsami ama nidaam dhaqameed wanaagsan oo xushmad xanbaarsan)
Waana xeer laga doonayo qofkasta oo xirfad sare leh inuu la yimaado ama raaco habsamidaa.

Wariyuhu waa qof xirfad sare leh gaar ahaan marka uu yaha qof loo carbiyey oo iskuul uga soo baxay, habsamida laga doonayo wariyaha inuu muujiyo lana yimaado waa kuwo farabadan, inkastoo aan halkan lagu soo wada koobi karin bal aan wax yar ka sheegno, waana sidan.
1- wariyuhu waa qof wacyi ahaan aad u baraarugsan, macluumaadkiisuna aad u badan yihiin sida
a) ka warqabida wixii jiri jiray iyo waxa markaa jira
b) xusuus badan oo laga ogaado dhacdooyin dhacay dadkuse si fudud ku ilaaween
c) isku xira dhacdooyinka haddii ay jiraan kuwo hore oo la mida kuwa markaa taagan

2- wariyahu waa qof hadal yaqaana hadana heli og, kala xusha weedhaha
3- wariyuhu waa qof wax akhriya, sida buugaagta la qoray iyo waxa warbaahinada kaleba ee ay qoreen
4- wariyuhu waa qof xurmeeya afkaaraha kala duwan ee dadku qabaan
5- wariyuhu waa qof isxakameyn og hadey caro timaado inta uu howsha ku guda jiro
6- wariyuhu waa qof xaqiiqda raadiya, kuna fakara intaad noqon laheyd wariyihii u horeeyey ee dhacdada beenta ah faafiya noqo kan ugu dambeeya dhcdada runteeda soo sheega
7- wariyuhu waa qof soo bandhiga dhacdooyinka ee maaha qof xukuma (sida hebel waa danbiile) iyadoo hebelkaasi aanu jirin dacwad ooge ku cadeeyey danbiga iyo maxkamad soo xukuntay toona
8- waa qof muuqaalkiisa wanaajiya had iyo goor, lagana garto labiskiisa inuu yahay qof xirfad sare leh
9- wariyuhu waa qof si aan toos aheyn dadka wax uga bartaan
10- waa qof hal wax oo uu sheegay duni dhami isku yaacin kara

Aqristow mar haddii warbaahinta iyo wariyuhu yihiin awood wax badali karta, sow kulama aha iney noqdaan kuwo masuuliyad dareema. Kawaran kuweena Soomaalida

Maxey kula tahay

No comments: