Saturday, July 20, 2013

WAXAA SAXAFI NOQON KARA OO KALIYA 40 JIR

                   
Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan gudihiisa u soo gudbisay baarlamanka Soomaaliya hindise sharciyeed shuruudo ku xiraya qofka noqonaya ama ka shaqeynaya saaxaafadda Soomaalida. Hindise sharciyeedkan oo ay golaha wasiirada isku soo wada raaceen ayaa sheegaya sidan (waxaa saxafi noqon kara oo kaliya 40 jir iyo wixii ka weyn). Sababta ugu weyni ee keentay in xukuumada Somaaliya ay cod uga doonto baarlamanka sharcigan  ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo heli lahaa saxaafad iyo saxafi tayo leh, isla markaana lagu hagaajin lahaa anshaxa saxaafadda Soomaaliyeed.
Ma ogin in baarlamanka Soomaaliya uu ansixin doono sharcigan cusub iyo in kale, waxeyse aniga iila muuqataa sharcigani oo ay weheliyaan qodobo kale oo badan inuu yahay mid ciriiri galinya in la helo dad badan oo shaqadaa qabta, mana garan karno wax dawladda Soomaaliya ku qasbaya in ay qaabkaa u hubiso tayada saxaafada iyadoo ay heli karto wadooyin kale oo ay ku hagaajin karto tayada saxaafada iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Hadaba akhristow ma kula tahay in loo maray wado saxan toosinta anshaxa saxafiga iyo saaxafada Soomaaliyeed intaba?.

Waxaan is weydiiyey in badan horta dawlada inta aaney sharciba keenin ma u diiwaan gashayihiin dhamaan war-baahinta wadanka ka jidha. Shati ma u leeyihiin, waxey u muuqataa inaysan jirin labada qodob aan hadda soo sheegay, hadaba si aan xal uga gaarno ama aan fikrad uga helno akhristow ila eeg qorshayaasha nala haboon in wax lagu hagaajin karo.

Marka hore inaanan meel fog xalka dawladda aysan kaba doonin waxaa ila wanaagsan inay raacdo wadooyinkan.

1- In la diiwaan galiya dhamaan qeybaha kala duwan ee war-baahinta sida (Idaacadaha la iska arko "TV networks", jariiradaha kuwa malinlaha aha ama bil-laha hadba kuu doono ha ahaadee, baraha internetka "news websites" Idaacadaha la dhegeysto "Radio Stations") IWM.

2- In saxafi kasta lagu xiro inuu soo maro imtixaan lagu hubinayo aqoontiisa "barrel test" sida dhaqaatiirta ama lawyers-kaba loo marsiiyo.

3-  In la diyaariyo siminaaro aqoon kororsi ah oo lacag la'aan ah oo saxafiyiinta lagu horu marinayo xirfadooda, ama la furo dugsiyo laga barto saaxafadda "journalism school".

Akhristow haddii intaa kaliya la sameeyo waxaa hubaal ah in la heli karayo saaxafad iyo saxafi tayo leh, laakiinse hadii da'da oo kaliya la badelo ma keeni karto in tayadu ku wanaagsanaan kareyso tan kale waxey keeneysaa qeybo badan oo bulshadii kamida inay shaqo la'aan ku dhacdo oo dhibaato kale oo hor leh la soo biiriyo.

Si kastoo ay ahaataba waxaa hubaal ah anaga iyo madaxda dawladdaba inaanu dooneyno inaan wax hagaajino aanse ku kala aragti duwan nahay oo kaliya wadadii loo mari lahaa, waddanka waa uu naga dhaxeeyaa taladana sidoo kale, hadaba aan talo badsanee adigana muxuu yahay fikirkaagu?.




No comments: